MUQDISO (DAYNIILE.COM)-Diyaarad siday shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobe ayaa maanta duhuradii shil ku gashay gudaha garoonka diyaaradaha Adan Abdulle international Airport ee Magaalada Muqdisho.
Shilka waxaa loo sababeeyay markii diyaarada uu u bixi waayay lugta hore yimid, mana jirto wax qasaara ah oo ka dhashay shilkaani sida ay ii xaqiijiyeen saraakiisha hay’ada duulista Soomaaliyeed.
22 qof oo shaqaalaha QM ka tirsan ayaa saarnaa diyaarada , waxa ayna ka digi weysay marii hore garoonka Baydhabo kadibna waxay ku soo laabatay Muqdisho oo saaka ay ka baxday.
Maamulka Garoonka ayaa ku amray diyaarada inay shidaalka iska daadiso markii hawada xamar soo gaartay madaama ay lugta hore u bixi waysay balse lugaha danbe ay muhiim yihiin sidaasna ay ku soo degtay, waana sababta shilka u gashay.
Dhanka kale Ha’yadda duulista oo war ka soo saartay shilkaan ayaa ku dhawaaqday inay xireen garoonka ilaa 5:00 galabnimo shilka dartiis madaama diyaaradu dhex taalo wadada diyaaraduhu ku soo degaan loona baahan yahay in laga jiido.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM