Waxaa Caawa warbaahinta baraha bulshada aad looga hadal hayaa Cabdi-Biir oo ah sarkaal ka tirsan Macawisleyda Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaana deegaanka ceel-Cali Axmed kaasoo dhawaan u gacan galay Alshabaab.

Cabdi -Biir oo dadka inta badan barteen maalmo yar ka hor dagaalkii Deegaanka Ceel-Cali Axmed markii uu soo dhamaaday isagoo saxaafada kula hadlayay  deegaankaasi islamarlaana ka sheekeynaya dagaal aad u qaraar oo ay alshabaab la galeen xili iyagoo 25 ruux ah ay u babac dhigeen Alshabaab duulaan ah oo watay ilaa 8 gaari oo tikniko ah.

Advertisement

Cabdi Biir ayaa labadii maalin ee u dambeysay waxaa soo baxday inuu u gacan galay Alshabaab kadib waxaana baraha bulshada lagu shaaciyay muuqaal alshabaab ay ka soo duubeen isagoo dhahaya Alshabaab baan isku dhiibay balse ugu dambeyn caawa waxaa mar kale baraha bulshada la soo galiyay isagoo hadlaya oo leh Alshabaab ayaan ka soo baxsaday muuqaalkii dhawaan la arkayay waa la igu qasbay.

Degmada Raagge Ceelle ayuu caawa ku sugan yahay halkaas ayuuna muuqaal ka soo duubay walow wararka qaar sheegayaan in ciidamada Dowlada ay soo qabteen inkastoo wali Dowladu warkaan kala cadeyn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here