HomeWarkiiXOGTA: Saciid Dani iyo damaciisa lidiga ku ah Qaranimada Somalia

XOGTA: Saciid Dani iyo damaciisa lidiga ku ah Qaranimada Somalia

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland waxaa lagu wadaa inay maanta soo gaaraan wafdi ka socda Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM).

Madaxweyne Saciid Danio iyo Saraakiisha Mareykanka waxaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan arimaha amaanka, gaar ahaan la dagaaalanka Argagixisada daacish xili dagaalo qaraar ay ka socdaan buuraha gobolka Bari ee Puntland.

Labada dhinac waxay isla soo qaadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish oo Mareykanku gacan weyn ka siiyo Puntland.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Dani uu aad u doonayo inuu shirkaan uga faa’iideysto codsi gaar ah oo ay wataan kaasoo ah Mareykanku uu wadashaqeynta duqeynta usoo marin dhanka Dowlada Faderaalka Soomaaliya balse iyaga toos loogu soo maro ka maamul Puntland ah.

Dalabka  uu wato Saciid Dani waa mid ay adag tahay inay aqbalaan saraakiisha Mareykanka madaama Puntland ay tahay maamul Goboleed hoos taga Dowlada Faderaalka Soomaaliya marka la eego qaanuunka caalamiga ah ee ka dhexeeya dalalka dunida.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -