JILIB (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Alshabaab sanadkaan joojiyeen dhoola-tuskii ciidamadoodu sameyn jireen sanad kasta maalmaha ciidaha iyagoo ciidamo iyo gaadiid dagaalba soo bandhigi jirey.
Warar ayaa sheegaya inay Alshabaab dhoola-tuska u joojiyeen cabsi ay ka qabaan diyaaradaha dagaal ee Dowladu yeelatay iyo kuwa saaxiibada caalamka ee maalmihii ugu dambeeyay duqeymaha joogta ah ka waday fariisimaha.
Cabsida soo wajahday Alshabaab ayaa ku soo aadaya xili Dowlada Somalia ay xitaa bilowday inay duqeyso Magaalada Jilib oo ah caasimada kooxda Alshabaab taasoo aan hore loo duqeyn jirin,waxayna qeyb ka tahay sababaha cabsida alshabaab.
Sidoo kale sababaha waxaa ka mida in ciidamada Cirka Somalia la qalabeeyay iyagoo yeeshay diyaarado dagaal oo Dowladu u madax banaan tahay madaama waagii hore ay beesha caalamka u hoos tagi jirtay duqeymaha balse ay hada saacadii ay doonaan wax duqeyn karaan.
Si kastaba guud ahaan meelaha Alshabaab sida buuxda u maamulaan ayaan ciidan lagu arag dhoola tuska ciidamadooda sida Jilib, Gal-hareeri,Mubaarak ,Kunya-Barrow,Buq’aqable iyo Jowle.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM