HomeWarkiiXOGTA: Puntland oo ku eedeysay Faderaalka inay colaad ka hurineyso Gobolka Mudug.

XOGTA: Puntland oo ku eedeysay Faderaalka inay colaad ka hurineyso Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Shiikh Cali ayaa Ka Tacsiyeeyay ......GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka  Puntland, Faysal Shiikh Cali ayaa ku eedeeyay Dowlada Faderaalka Somalia inay colaad ka hurineyso Gobolka Mudug.

Masuulkaani wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay hay’adda u qaabilsan dowladda Soomaaliya diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee NIRA inay dhanka Galmudug u diiwaan geliyeen Degmooyin Puntland ka tirsan sida Galdogob iyo Jarriiban taasoo isku dhac iyo colaad keeni karta sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka  Puntland.

“Dowladda Federaalka waxay ka shaqeyneysaa colaad ka dhex dhacda labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug” ayuu yiri Gudoomiye Faysal

Sidoo kale Gudoomiyaha wuxuu ka digay in colaad iyo isku dhacyo hubaysan laga abaabulo gobolka Mudug.

“waxaan cambaaraynayaa talaabada qaldan ee ay qaaday hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga  ee NIRA,waana kuwo ka hor imaanaya dastuurka dalka, waxaana u aragnaa fal khatar gelinaya nabadda, wadajirka, darisnimada iyo xasiloonida deegaanada Gobolka Mudug ee labada maamul”ayuu yiri mar kale Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -