KABETE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo ismaamulka Kiambu ee dalka Kenya ayaa sheegaya in tuulo halkaasi hoos tagta ay ka dhacday arin dadka deegaanka aad uga naxeen taasoo ah geeri si la yaab leh ugu timid wiil iyo adeerkiis.
Tuulada Nyathuna ee degmada Kabete ee ismaamulka Kiambu waxaa la soo sheegayaa inuu wiil isku riday ceel isagoo rabay inuu is dilo balse adeerkiis oo rabay inuu soo bad-baadiyo ayaa isna isku tuuray ceelka oo ahaa 36 miitir dhirir ahaan.
Arinta dadka deegaanka aadka uga naxeen ayaa ahayd in adeerkii ku guul dareystay inuu wiilka soo bixiyo balse taas badalkeeda labadoodiiba waxay ku neef qabatimoodeen ceelka oo uu ku yaraa oksijiinka taasoo keentay inay labadoodaba halkaasi ku geeriyoodaaan.
Meydadka wiilka ceelka isku riday oo lagu magacaabo Ian iyo Adeerkiis oo lagu magacaabo Robert Ngugu ayaa laga soo saaray gudaha ceelka waxaana loo qaaday isbitaalka deegaanka qeybtiisa meydadka la dhigo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM