LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Laas-caanood ee xarunta SSC Khaatumo ayaa sheegaya in maanta Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre uu halkaasi ka dhagax dhigaayo mashaariic dhismayaal Dowladeed u badan.
Ra’iisulwasaaraha ayaa maalmaha uu joogo Laas-caanood lagu wadaa inuu mashaariicdaasi ku dhagax dhigo.
Xamsa Cabdi Barre Mashaariicda uu maanta dhagax dhigaayo waxaa ka mid ah :-
1-Madaxtooyada
2-Xarunta Cilmiga Farsamada Gacanta ee Sayid Maxamed Cabdalle Xasan
3-Xarunta Taliska Police ka .
4-Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha -Laanta SSCKH
5-Xarunta Gurmadka Qaran Laanta SSC-Khaatumo
6-Xafiisyada Dawlada (Xafiisyo isku xidhan oo kala duwan)
7-Wadada Buuhoodle iyo laas-caanood isku xirta.
8-Cusbitaal Dawladeed.
iyo mashaariic kale kuwaasoo dhamaantood qorshuhu ku jiro in sanadaha soo aadan laga dhaqan geliyo Laas-caanood.





