HomeWarkiiCadaadiska Caalamka iyo qorshaha Xassan Sheekh ee heshiiska maamul Goboleedyada  Puntland iyo...

Cadaadiska Caalamka iyo qorshaha Xassan Sheekh ee heshiiska maamul Goboleedyada  Puntland iyo Jubaland 

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Xamza Cabdi Bare u magacaabay Raysulwasaare cusub - Puntland Mirror Believable Media WebsiteWaxaa aad u sii xoogeysanaya sida aan wararka ku heleyno cadaadiska Beesha Caalamka ay ku heyso Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud taasoo ah inuu balaariyo gogosha nabadeed ee uu u dhigay saamileyda siyyaasada.

Beesha Caalamka waxaa si gaar ah bartilmaameed ugu ah in Madaxweyne Xassan la heshiiyo labada Maamul ee Dowladiisa ku kacsan ee Puntland iyo Jubaland xili Dowladu waaran xarig ah dhawaan u jartay Axmed Madoobe oo ay eedeysane u qoreen.

Warar hoose ayaa shegaya in Xamsa iyo Xassan ka ay ku adag tahay inay shacabka Soomaaliyeed ka iibiyaan inay hor fariistaan Axmed Madoobe taasoo la micno noqon doonta inay aqoonsadeen madamaa ay Dowladu hore u diiday dib u doorashadiisii dhawaan uu isku caleema saaray.

Madaxweyne Xassan iyo Xamsa waxaa iska difaacid uga baahan iyo go’aan qaadasho adag wadamada taageera Dowlada ee loo yaqaan wadamada saaxiibka la ah Dowlada iyo Hay’adaha kala ah Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub kuwaasoo ka mideysan cadaadiska Dowlada lagu saarayo heshiis wada ogol lagu yahay arimaha siyaasada dalka ee la isku hayo sida dastuurka iyo sida uu noqon doono doorashooyinka madaxtinimada ee soo socota xili hada aad loo kaala aragti fogyahay.

Si kastataba Warar ku dhaw dhaw Madaxda Qaranka gaar ahaan Madaxweyne Xassan ayaa sheegaya inuu beesha caalamka qaarkood u sheegay in Axmed Madoobe ka qeybgeli doonin  gogosha uu dhigay balse siyaasiyiinta kale ay ka qeybgeli doonaan.

Wararkaasi ayaa intaasi ku daraya in Madaxweynuhu wato ajande uu ku kala reebayo mucaradka iyo madaxda Maamulada isagoo u sameystay in gogoshiisa uu laba raac u kala qaaday si uu raaca koowaacd uga reebo Axmed Madoobe laakiin lama saadaalin karo raaca danbe inuu aqbali doono madaxweynuhu cadaadiska banaanka ee ah inuu Axmed madoobe la heshiiyo wax kasta haku qaadatee.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -