MASAAJID CALI-GADUUD (DAYNIILE.COM)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay weerarkii saaka ay Alshabaab ku qabsadeen Degmada Masaajid Cali-guduud ee Gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo gacanta Dowlada ku jirtay labadii sano ee la soo dhaafay.
Madaxweyne Xassan ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku si sahlan uga soo baxaan Degmadaasi islamarkaana ay saaka iska difaaci waayaan alshabaab.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Madaxweynuhu amray in Alshabaab aysan caawa ku hooyan Masaajid Cali guduud islamarkaana inta ka sokeysa dedeg looga saaraa.
Wararka waxay sidoo kale xusayaan in ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaankuba hada ka dheereeyn Degmada Masaajid Cali guduud oo ay ku sugan meel aad ugu dhaw.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ciidamada u sheegay in taakuleyn ciidan la siin doono iyo waliba caawimaad dhanka diyaaradaha cirka ah balse looga baahan yahay inay ilaa galabta dib gacanta Dowlada ugu soo celiyaan Masaajid Cali guduud.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM