Ciidamada difaaca deegaanka ee degmada Mahadaay ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cabdulle-Barbaar oo ku dhow nawaaxiga Ciid Ciidka.
Saraakiisha ciidamada deegaanka ayaa warbaahinta ciidamadda u sheegay in howlgalka lagu dilay afar dhagar-qabe oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, lagana soo furtay qoryo, mooto Fekon iyo agab kale.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay ciidamada deegaanka iyo xoogga dalka wadaan si loo sugo nabadgelyada deegaannada hoos yimaada Mahadaay, iyadoo la beegsanayo xubnaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya gobolka.
Taliyaha Macawisleyda Mahadaay ayaa xusay in ciidamada Xooga dalka ay gurmad ka heleen markii ay fuliyeen howlgalkaani,sidoo kale tirada alshabaabka ay laayeen wuxuu gaarsiiyay 7 inay yihiin.
