HomeWarkiiXOGTA: Hoobiyayaal mar kale Saaka Muqdisho ku soo dhacay iyo Khasaaraha ka...

XOGTA: Hoobiyayaal mar kale Saaka Muqdisho ku soo dhacay iyo Khasaaraha ka dhashay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Tiro madaafiic hoobiyayaal ah ayaa saaka mar kale ku soo dhacay qeybo ka mida Magaalada Muqdisho kuwaasoo khasaare nafeedna geystay.

Sida aan xogta ku helnay hoobiyayaashaan oo bartilmaameedkoodu ahaa xerada xalane ayaa intooda badan ku dhacay xaafadaha degmooyinka Dharkeenleey iyo Wada-jir oo xeradaasi ku taal.

Inta laga war hayo mid ka mida hoobiyayaasha oo ku dhacay guri ku yaal xaafada Kaawa-godeey ee Degmada Wada-jir ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 ruux oo shacaba kuwaasoo midkood uu daran yahay.

Xerada Xalane oo ay degan yihiin reer galbeedka iyo ciidamada Midowa Afrika lagama hayo warar madax banaan oo cadeynaya in hoobiyayaashu gudaha ugu dhaceen iyo waxyeelo ka dhalatay intaba.

Shalay subax ayaa hoobiyayaashaani sidaan oo kale loogu soo weeraray magaalada Muqdisho kuwaasoo iyagana lala rabay madaxtooyada balse waxay waxyeelo dhaawacyo ah ka soo gaareen shacab ku sugnaa degmooyinka Warta-Nabad iyo Boondheere.

Kooxda Alshabab ayaa la rumeysan yahay inay duleedyada Magaalada Muqdisho ka soo tuuraan hoobiyayaashaan xili ciidamada sirdoonka qaranku wali ku guuleysan inay ka hortagaan kooxahaasi oo carara markey tuuraan kadib.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -