HomeWarkiiXOGTA : Madaxweyne Xasan oo Mareykanka siinaya qaar ka mida Dekadaha Somalia...

XOGTA : Madaxweyne Xasan oo Mareykanka siinaya qaar ka mida Dekadaha Somalia si looga hortago aqoonsiga Somaliland.

Sida ay qortay shabakada Semafor Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday talaabo uu kaga hortagayo in Mareykanku aqoonsi dowladeed siiyo Maamulka Somaliland.

Madaxweyne Xassan ayaa Dowlada Mareykanka gaar ahaan dhigiisa Donald Trump usoo bandhigay inuu siiyo maamulka dekedo istiraatiiji ah ah oo ku yaalla Gacanka Cadmeed gaar ahaan xeebaha waqooyiga Somalia taasoo hadii fulinteeda loo gudbo meesha ka saareysa gabi ahaanba rajada bilihii ugu dambeeyay la hadal hayay ee ah in Mareykanku aqoonsado Maamulka Somaliland.

shabakada Semafor ayaa shaacisay inay heshay warqad Madaxweynaha Soomaaliya uu u direy dhigiisa Mareykanka 16-ka Bisha March 2025 taasoo Xassan uu ku dalbanayo in Trump uu la wareego maamulida dekadaha Gacanka Cadmeed.

Dekadahaan oo ku yaal Badda meel istaraatiiji ah sida ku xusan warqada Madaxweyne Xassan ayaa siineysa Mareykanka inuu saldhig ka sameysto sidoo kalana wax ka dhoofsadaan kana soo degsadaan.

“hadaad naga aqbashaan saldhigaan ciidana sameysataan waxaad fursad u heleysaan inaad maamushaan wadooyin muhiim ah”ayaa lagu yiri warqada Madaxweyne Xasan u direy Trump

Labada Dekadood-ba waxaa kala maamula Puntland iyo Somaliland waana dekadaha Ber-bera iyo Boosaaso taasoo aan la ogeyn siday ku hirgeleyso.

Isku deyga Madaxweyne Xasan ayaa ku soo aadaya xili Donald Trump dunida ku soo kordhiyay sidii loo doortay talaabooyin lala yaabay sida inuu joojiyay dhaqaalihii ay dalalka dunida siin jireen sida Afrika iyo Assia sidoo kale waxay ku soo aadeysa xili lagu xanto Trump inuu jecel yahay heshiisyada danha dhaqaale ay ku jiraan xili asalkisu uu yahay ganacsade.

Dhanka kale Talaabadaani oo dhanka Dowladu beenisay jiritaankeeda ayaa ayaa laga yaabaa inay buur ka dhex dhaliso mar kale maamuladaasi iyo Dowlada Somalia oo awalba aan isku fiicnayn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -