XOGTA: Hadal heynta ah in Itoobiyaanku duqeeyeen Jilib iyo jawaabta Dowlada Somalia 

Faah Faahin:- Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Duqeyn Ka Geystay Gobolka Gedo  – GoobjoogJILIB (DAYNIILE.COM)-Saacadihii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay wararka ah  in Duqeymo culus oo dhanka cirka ah laga fuliyay Xarunta ama saldhiga ugu weyn ee Alshabaab oo ah Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

Sidoo kale duqeynahaan oo ay Saraakiisha Alshabaab lala eegtay waxaa la sheegay inay si gaar ah u fuliyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Itoobiya,waxaana si rasmi ah jawaab uga bixiyay  Afhayeenka Wasaarada Difaaca Somalia oo wareysi siiyay Idaacada iyo TV-ga Dalsan.

Afhayeenka Wuxuu qirey in diyaaradaha Itoobiya fuliyeen weerarkaasi isagoona carabka ku adkeeyay in Itoobiya ka mid tahay saaxiibada Dowlada Somalia ee ku garab siiya la dagaalanka Alshabaab.

“sidaas la socotaan Itoobiya waxay ka mid tahay saaxiibada Dowlada Somalia sidoo kale waxay qeyb ka yihiin howlgalada la dagaalanka argagaxisada Somalia”ayuu yiri Af-hayeenka Wasaarada Difaaca

“Duqeymaha Jililb waxaa lagu dilay Xubno sare oo ka tirsan Alshabaab, Sidoo kale duqeymaha waxay ka dhaceen Gobolada shabeelaha hoose iyo shbeelaha dhexe’’ ayuu yiri  Afhayeenka

Mar uu ka hadlaayay ujeedka duqeymaha ayuu Af-hayeenku sheegay inay tahay sidii cadowga loogu naafeyn lahaa  islamarkaana shacabka Soomaaliyeed loogu bad-baadiyo.

Dhanka kale wuxuu meesha ka saaray in duqeymuhu yihiin kuwo aan loo aaba yeelin magaalada balse wuxuu carabka ku dhutay in  weerarku yahay mid leh bartilmaameed islamarkaana lala eegtay xero ay leyihiin dagaalamayaasha Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here