HomeWarkiiXOGTA: Gurmad naf iyo maal leh oo Beesha Xawaadle ay soo gaarsiisay...

XOGTA: Gurmad naf iyo maal leh oo Beesha Xawaadle ay soo gaarsiisay Degmada Aadan Yabaal

No description available.AADAN YABAAL (DAYNIILE.COM)-Gurmad xoog leh oo isugu jira naf iyo maal ayay Beesha Xawaadle soo gaarsiisay walaalahood Abgaal gaar ahaan shacabka ku dhaqan Degmada Aadan Yabaal waxaana hogaaminayay Madaxweyne xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar dabageed.

Madaxweyne xigeenka wafdiga uu hogaaminayay waxay Aadan Yabaal soo gaarsiiyeen ciidamo diyaar u ah inay naftooda u huraan ka difaacida Alshabaab ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Sidoo kale wafdiga waxaa la socday Gabdhaha Xawaadle ee reer Baladweyne kuwaasoo iska soo ururshay gurmad raashin,biyo iyo xoolo nool sida geel iyagoo ku wareejiyay saraakiisha hogaamineysa ciidamada Dowlada iyo macawisleyda ku sugan Degmada Aadan Yabaal oo 5 maalin ka horna uu booqday Madaxweyne Xassan.

Hadalo kooban oo ay masuuliyiinta iyo shacabka Xawaadle ka jeediyeen Degmada Adan Yabaal waxay cadeeyeen inay walaalahood u soo gurmadeen naf iyo maalna diyaar ula yihiin si Alshabaab ay isaga wada difaacaan.

Madaxweyne xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar dabageed wuxuu ku baaqay in dhamaan reer Hirshabelle iyo Somali oo dhan ay u midoobaan la dagaalanka Alshabaab.

Mid ka mida gabdhaha xawaadle ee gurmadka xoolaha iyo raashinka wax ka waday ayaa hadalo kooban oo qiira leh ka jeediyay aargada Aadan Yabaal iyadoo xustay inay safar dheer laa baladweyne usoo gashay caawinta walaalahooda Shabeelaha dhexe.

“ilaa iyo baladweyne ayaan safar usoo galnay intaasna waxaan u maleynaa waxaan ku soconay dhiig ragggeed, wadada aan soo marnay boqolaal wiil oo cad cad ayaa god u gashay inaan si nabad  ku soo marno”

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments