HOMA-BAY (DAYNIILE.COM)-Magaalada Homa Bay ee Dalka Kenya waxaa laga soo sheegayaa inuu halkaasi ka dhacay saacadihii ugu dambeeyay dil salka ku haya khilaaf soo kala dhex galay lamaane is jeclaa.

Sheryl Awino  oo ahayd Gabar ardayad ah islamarkaana 20 jir ah ayaa la soo sheegayaa inuu dilay nin uu kala dhexeeya xiriir jaceyl kaasoo dilkeeda u adeegsaday tooreey uu caloosha ka geliyay.

Advertisement

Gabadhaan oo u geeriyootay  midida ayaa sidoo waxaa la dhintay imo yar oo ay caloosha ku heysay madaama ay uur lahayd sida warbixintu sheegeyso.

Ninka dilka geystay ayaa laftigiisu ahaa ardey waliba jaceylkiisa ay iskala tirsanaayeen kulliyadda Mawengo National Polytechnic ee ismaamulka Homa Bay.

Ehelka Sheryl Awino oo baranaysay culuunta sahminta dhulalka ayaa Hay’adaha amaanka ka codsaday in sharciga la hor keeno ninka gabadhooda dilay oo hada baxsad ah walina aan la soo qaban, balse madaxda Booliisku sheegayaan inay raadinayaan dambiilaha si ay maxkamad u soo taagaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here