HomeWarkiiXOGTA: Farqiga u dhexeeya Macawisleyda reer Hiiraan iyo kuwa shabeelaha dhexe

XOGTA: Farqiga u dhexeeya Macawisleyda reer Hiiraan iyo kuwa shabeelaha dhexe

Shabakada Wararka Dayniile.com ayaa baaritaan ku sameysay sababta keentay in macawisleyda reer bariga Hiiraan ay guulaha badan uga soo hooyaan markay Alshabaab is wajahaan iyo sidoo kale sababta guul-darooyinka baday macawisleyda reer Shabeelaha dhexe.

Ugu horeyn dagaal-yahanada loo yaqaan Macawisley waxay u abaabukan yihiin hab beeleeed halka ciidamada Xooga Somalia ay yihiin ciidan qaran waana farqiga kale ee u dhexeeya ciidamada isku safka ah ee Alshabaab dagaalka kula jira.

Markaan u soo laabano dulucda qormadeena aan ku horeyno Macawisleyda bariga Hiiraan  dhamaantood waa Beesha Xawaadle oo ka mida Beelaha koofurta Soomaaliya dagta gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Macawileyda Beesha Xawaadle ugu horeyn beel ahaan waa dad ku suntan inay shar iyo kheyrba heshiis ku yihiin oo marna iskuma khilaafaan dagaalada nuucey doonaan, mid beeleed ama midka alshabaab.

Qabiilka Xawaadle wuxuu sidoo kale ka mid yahay beelaha hawiye kuwa ugu dagaalka badan ama ugu geesisan sidoo kale tirada dadka sidaas oo kale waxay ka mid yihiin beelaha hawiye ugu badan.

Markaan usoo daadagno istaraatiijiyada guulaha ay ku gaaraan oo ah tan ugu muhiimsan macawisleyda Beesha Xawaadle inta badan Alshabaabka iyagaa weerarka ku ah ee alshabaabku mana sugaan inta Alshabaab-ku deegaanadooda ugu yimaadaan.

DHANKA KALE:- MACAWISLEYDA GOBOLKA SH.DHEXE.

Markaan eegno Macawisleyda Gobolka Shabeelaha dhexe iyagana dhamaantood waa beesha Abgaal oo Madaxweynuhu ka soo jeedo marka laga reebo Beesha Waceysle oo ah jufada hoose ee Madaxweynaha kuwaasoo dega Gobolka Galgaduud.

Xawaadle intaan ka soo sheegnay Abgaal waxay isaga mid yihiin inay yihiin dad ku suntan geesinimada dhanka dagaalada,sidoo kale waxay isaga leeyihiin tirada Pabulation-ka oo waxay ka wada mid yihiin hawiyaha kuwa ugu badan inkastoo Abgaalku laba jibaar ka sii badan yihiin xawaadlaha.

Halka labada beel isku dhaafeen islamarkaana ah sababta guusha iyo guul-darada ugu wacan ayaa ah Abgaalku wuxuu ka dhintay labada talaabo oo istaraatiijiga u ah dagaal kasta waana midnimada iyo caddowga inaad weerarto intuusan ku soo weerarin.

Midnimada iyo istaraaiijiyada  caddowga inaad weerarto oo ku mashquuliso deegaanada uu kaa heysto intuu kuugu iman lahaa inta aad heysato waa labada arin ee Abgaalku mushkilada ka heysato waxaana aad ugu dhaw beelo kale oo hada mowduuca aan noogu jirin balse waqtigeeda aan ka hadli doono.

Inta badan dadku waxay ku dhaliilaan Abgaalka inay awoodii Dowladnimada heystaan sidoo kale yihiin qabiiil dagaal yahano ah yihiin islamarkaana alle tiro iyo tayo siiyay hadana dhulalkoodii  uga soo carareen caddowga laakiin dadku ma si hoose uma fiirin waxa ku kalifay oo ah qodobada aan qor,madeena idinku cadeynay haday saxaana shabeelaha dhexe iska daaye koofurta Somalia oo dhan ayay xoreyn karaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -