ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa fariin uu u direy Qowmiyada Tigreega wuxuu kala hadlay arimaha siyaasada si adag isagoona dhinacyo dhowra kala hadlay.
Abiye Axmed qoraalka uu direy wuxuu ku qorey afka Tikreega isagoona marka hore amaan kala dul dhacay sida inay yihiin dad ilbax ah oo jecel inay dariskooda nabad kula noolaadaan.
Sidoo kale wuxuu ku amaanay xili kasta Tigreegu inay diaaci jireen qadiyada Itoobiya mar kasta oo dhibaato ay soo wajahdo.
“waxaa tihiin geesiyaal sabab u ah dalkan jiritaankiisa, Itoobiya waxaad u tihiin difaac mar kasta oo dhibaato soo wajahdo” ayuu yiri
Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday dhanka siyaasada iyo xiligaan waxa loog baahan yahay Tikreega isagoo ugu baaqay inay isku noqdaan islamarkaana ay is bar bar dhigaan Khasaaraha iyo faa’idada marka ;la eego dagaaladii waqtiyadii ugu dambeeyay ay galeen.
“iswaydiiya dagaalladii sabbankan dhulkiina ka dhacay maxaad ka faa’ideen? Khasaaraha iyo faa’idada bal is barbar dhiga” ayuu yiri ayuu yidhi Abiye Ahmed.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhinacyada Tigreega inay ka taxadaraan dagaallo markale naafeeya nolashooda.
Ugu dambeyn fariinta Abiye Axmed uu u direy Tigreega wuxuu ugu sheegay in Dowladiisu diyaar la tahay inay ka qanciso tabasho kasta oo ay Dowladiisa ka qabaan islamarkaana ay la fadhiisanayaan Tigreega si ay u heshiiyaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement