HomeWarkiiXOGTA: Dagaalka Deegaanka Abooreey iyo wax badan oo Dowlada Somalia ay kaa...

XOGTA: Dagaalka Deegaanka Abooreey iyo wax badan oo Dowlada Somalia ay kaa qarisay

BUULO-BURDE (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo badanaya shakiga shacabku ka qabaan warbixinada ka imaanaya dagaalka deegaanka Abooreey ee duleedka Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan xili warbnaahinta xitaa ku wareertay wararka ay ka helayaan dhanka Dowlada marka la eego dagaalka iyo xaaladiisa.

Dhagaha shacabka waxaa shalay subax aroortii lagu shubay in habeen hore ay alshabaab qabsadeen Deegaanka Abooreey balse subaxaasi ay ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku ka saareen.

Kadib maxaa dhacay akhriste hadana saaka waxaa lagu waabariistay sidii shalay subax oo hadana waxaa la yiri ciidamada Dowlada ayaa saaka duulaan qaaday kana saaray Alshabaab, halkaasi markey joogto dadka qaar shakiba ku bilowday sida warbixintani loo sheegayo ,taasi waxaa ka sii daran marka la wareysanayo masuuliyiinta wax inay qaladan yihiin waad dareemeysaa.

Haddaba xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in xaalad adag ay ka taagan tahay deegaanka Abooreey islamarkaana wararka soo baxaya ee dowlada mararka qaar ka run sheegeyso balse aysan shacabka u cadeyneyn in gacan ku heynta marba dhinac uu galayo.

Xogta aan heleyno waxay intaasi ku dareysa in beenta ugu weyn ilaa galabta lagu soo gaarsiiyay shacabka warbaahinta ku xiran marka la eego gacan klu heynta deegaanka Abooreey cida ay ku galbaysatay.

Warar hoose ayaa sheegaya in dagaalkii ilaa hada Alshabaab aan laga saarin deegaanka balse ay kaliya go’doonsan yihiin.

Guud ahaan deegaanka wali waa la iskula jiraa balse gudaha waxaa heysta wali alshabaab halka macawisleyda iyo ciidamada Dowalda ay ku wareegsan yihiin oo xitaa arintu gaartay saaxiibada caalamka iyo ciidamada cirka Somalia kuwaasoo  dhanka cirka ka taakuleeya ciidamada.

Warar kale oo aan la hubin ayaa sheegaya in hada loo diyaar garoobayo sidii loo duqeyn lahaa alshabaabka ku dhex jira deegaanka Abooreey iyadoo ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka la faray inay ka dheeraadaan oo dib uga soo baxaan go’doominta ay ku hayaan.

Ugu dambeyn sababta Alshabaab ugu mintidayaan Abooreey ayaa la sheegay inay u arkaan istaraatiiji taasoo keentay sida Raage Ceelle,Masaajid Cali Gaduud iyo ruun-nirgood inay xooga soo saareen oo dagaalamayaashii ugu badnaa keeneen Hiiraan.

Wixii war ah ee soo kordha wararkeena xiga ayaad kaga bogan kartaa insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -