HomeWarkiiXOGTA: Dagaal xalay ilaa saaka soo gaaray oo Daacish ay ku soo...

XOGTA: Dagaal xalay ilaa saaka soo gaaray oo Daacish ay ku soo qaaday saldhig ciidamada Puntland ku sugnaayeen.

CAL-MISKAAD (DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Daacish ayaa xalay weerar waxay ku qaadeen saldhig ciidamada Maamulka Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Xabley ee degmada Ufayn ee gobolka Bari.

Weerarka kooxda Daacish ayaa sababay dhimashada hal askari oo reer Puntland ah  iyo dhaawaca 9 kale kuwaasoo gurmadyo baxnaanin ah loo sameeyay.

Dagaalka ay soo qaadeen kooxda Daacish ayaa wararka qaar waxay sheegayaan inuu saaka waabarigii soo gaaray taasoo muujineysa inaan waxba la isu reeban dagaalkuna yahay mid culus.

Ciidamadaan Puntland ayaa dhankooda waxaa la soo sheegayaa inay Daacish ka dileen qaar ka mida halka kuwa kalana ka dhaawaceen walow aan laga heyn tira sugan.

Dhanka kale Saraakiisha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa lagu wadaa inay sharaxaad ka bixiyaan dagaalka ilaa saaka waabarigii soo gaaray ee Daacish soo qaaday iyo khasaaraha ka dhahsay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -