MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanka Jaziira ee duleedka Magaalada Muqdisho wadada aada Magqalada Marka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Dagaal u dhexeeyay ciidamada Dowlada dhexdooda.
Dagaalkaani ayaa sababay dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca lix kale oo dad shacaba iyo Ciidamo isugu jira.
Ciidamada Booliis Milataariya ayaa la soo sheegayaa inay weerar ku qaadeen ciidamo deegaankaasi ka tirsan oo canshuur ururinta qaabilsanaa xili ay ku jireen howlahooda shaqo.
Dadka ku dhintay weerarkaani waxaa ku jira wiil la dhashay Gudoomiye xigeenka Deegaanka Jaziira iyo wiil uu dhalay imaanka Masaajidka Deegaankaasj Jaziira.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadu jir dileen soona xireen Taliyaha saldhiga booliiska Deegaanka Jaziira.
Sida horaba marar badan u dhacday ciidamada Booliis Milataariya waxay diidan yihiin canshuur qaadka ciidamada deegaanka Jaziira.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM