ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Waxaa faah-faahino dheerada ah laga helayaa warar maamihii ugu dambeeyay aad looga hadal hayay social Media kaasoo ahaa in Madaxweyne Xasan markii uu Adis-aba  gaaray loo diyaariyay ciidamada Badda Itoobiya kadibna uu salaan sharaf ka qaatay taasoo fasir kala duwana laga sii bixiyay.

Siyaasi Xildhiban C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mid ahaa dadkii soo qaatay arintaani isagoo ku xusay barihiisa bulshada in Madaxweynaha Soomaaliya markii labaad lagu bahdilay Adis-ababa markii sida uu sheegay uu salaan ka qaatay ciidamo badeed Itoobiyaanku sameyteen.

Advertisement

Ciidanka Madaxweyne Xasan Sheekh uu hor tagay waxaa la xaqiijiyay inay yihiin dhaqan ahaan ciidanka salaan sharaeedka  islamarkaana shaqadooduba tahay inay madaxda Itoobiya martida ku ah siiyaan salaan sharaeed soo dhaweyn ah.

Dareyska ay xiran yihiin ayaa ah kuwa cad-cad waxayna u egyihiin ciidamada Badda Somalia iyo dalal dhowr ah oo kalarka cad isticmaala taasoo keentay in Soomaalidu u qaataan in Ra’isulwasaare Abiye Axmed siyaasadeeyay soo dhaweynta Madaxweyne Xasan si uu caalamka uga gado in Somalia aqoonsan tahay ciidan badeed ka dhisan dalka Itoobiya taasoo gabi ahaanba meesha ka baxday.

XAFIISKLA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here