Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magacaabay guddi uu u xil-saaray abaabulka dagaalka Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe. Xubnaha guddiga ayaa u badan xildhibaanno ka tirsan BFS.
Sidoo kale, xubnaha guddiga ayaa ka soo jeeda deegaanada HirShabeelle iyo Galmudug, waxayna gaarayaan shan xubnood, sida ay ogaatay Warbaahinta Dayniile. Shaqada uu guddigaasi toos u qaban doono waa abaabulka ciidamada deegaanka ee Macawiisley.
Xubnaha guddiga uu magacaabay Xasan Sheekh ee loo xil-saaray abaabulka beelaha dega Sh/Dhexe si ay isaga dhiciyaan Khawaarijta waa shan, waxayna kala yihiin.
1 – Senator Afcadey
2 – Xildhibaan Cismaan Xaadoole
3 – Xildhibaan Maxamed Cajiib
4 – Xildhibaan Maxamuud Abuukar
5 – Iyo sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga oo lagu magacaabo Cabdullaahi Macalin Mukhtaar
Guddigaan ayaa madaxweynaha wakiil uga noqonaya abaabulka dagaalka, taakulada ciidanka, iyo qorshe kasta oo looga hortegayo weerarrada is-dabajoogga ah ee ka imaanaya kooxda Al-Shabaab oo dooneysa inay isku fidiso gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha ugu sareysa ciidanka xoogga ayaa horay ugu sugnaa gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo kala ah:
- Taliyaha Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf
- Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi
- Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada, Korneyl Xasan Shuute
Intaas waxaa dheer kulamo is-dabajoog ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu la yeeshay dhinacyada ay ka go’do talada deegaanada ay Shabaab soo galeen ee HirShabeelle. Wuxuu madaxweynuhu ka dalbaday dhinacyadii uu la kulmay inay abaabulaan howlgalka oo garab siiyaan ciidamada qaranka.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ciidamada qaranka ku amray in saacado gudahood ay HirShabeelle uga nadiifiyaan Khawaarijta. Iyadoo amarka madaxweynaha laga jawaabayo, ayaa maanta weerar culus lagu qaaday Ceelbaraf, waxaana ka dhacay mid kamid ah dagaalladii ugu cuslaa.
Mar kale, waxaa la sheegay in caawa ay Ceelbaraf ku soo laabteen Al-Shabaab, kadib markii galabta maqribkii ay dib uga gurteen ciidamadii xoreeyey oo weerarro teel teel ah kala kulmay Shabaab ugu dhuuntay guryaha magaalada.
Dhanka Daarunicma, waxaa caawa ka socota duqeyn xoog leh. Magaalada ayaa gubaneysa, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka, si la mid ah Ceelbaraf, oo guryihii iyo goobihii ganacsiga duqeymo lagu burburiyey kadib markii gabaad ka dhigteen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada.