Kiis culus ayaa soo galay daladda Gaadiidleyda Gobolka Banaadir, kadib markii lagu eedeeyey inay la shaqeeyaan Al-Shabaab oo weliba la keenay cadeymo muujinaya xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa daladda Gaadiidleyda iyo kooxda Al-Shabaab.
Guddi gaadiidley ah ayaa go’aansaday in sirtaan ay banaanka keenaan, kadib markii lagu dhibaateeyey wadooyinka oo xogtooda lala wadaagay Al-Shabaab, guddigaas oo wata cadeymo rasmi ah ayaa hadda doonaya inay la kulmaan oo xogtaan la wadaagaan madaxda qaranka.
Gadiidleyda wajahday culeyska Al-Shabaab uga yimid ayaa warbaahinta u sheegtay inay cadeymo u hayaan in boonada ay daladaasi u jarto ay Shabaab u soo diraan, kadibna ka qaataan lacag badan, xili dowladdu ay mamnoocday in Shabaab dhaqaale la siiyo.
Marar badan ayaa horay Shabaab inay la shaqeeyaan loogu eedeeyey xubnaha daladaas, halka Al-Shabaab ay gaadiidleyda toos ugu sheegeen in maskax iyo dhaqaale badan uu uga baxay dhismaha daladaas, sidaas darteedna aysan ogoleyn in la kashifo.
Gaadiidleyda ayaa loo hanjabay, muddo dheer ayey aamusnaayeen, balse hadda waxay sheegeen inay go’aansadeen in gumeysiga Al-Shabaab iyo daladaas la shaqeysa aysan ku sii hoos jirin.
Gaadiidleyda warbaahinta la hadashay waxay sheegeen in dowladda ay u ogolyihiin lacag ka badan canshuurta ay hadda ka qaado, balse waxay codsadeen in la burburiyo dalladaan xogtooda la wadaagta cadowga Al-Shabaab oo dhaqaale xad dhaaf ah ka qaata, hanjabaad joogto ahna ku haya.
Sidoo kale gaadiidleyda la hadashay warbaahinta, waxay sheegeen rasaakiisha hey’adaha amniga ay la wadaageen xogtaan, balse ay waxaba ka qaban waayeen, waxayna hadda codsanayaan in madaxda qaranka ay la kulmaan, si cadeymaha kiiskaan ay ula wadaagaan.
Daladda laga cabanayo ee gaadiidleyda gobolka Banaadir ayaa la dhisay 2020 xiligaas oo lagu eedeeyey inay Shabaab ku soo dhiseen gobolka Sh/Hoose, xiligaas waxaa Agaasimaha NISA ahaa Fahad Yaasiin, waxaa la xiray xubnihii guddiga, balse is faham dhacay ayaa lagu fasaxay guddigaas oo iska sii wata shaqadiisa.
Daladaan laga cabanayo ee Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ayaa shati ka heysata maamulka Gobolka Banaadir, waxayna ka shaqeysaa oo waajibaadkeeda kamid ah, Xakameynta jaamka ama saxmadda gaadiidka magaalada Muqdisho, yareynta xamuulka xad-dhaafka ah iyo ka shaqeynta dhismaha wadooyinka muhiimka ah ee caasimada Muqdisho.