XAYFA (DAYNIILE.COM)-Dagaal yahanada Ururka Xisbullah ee ka dagaalama Dalka Lubnaan ayaa xalay weerar taariikhda galay waxay ku qaadeen saldhig ciidamada gaarka ah ee Israa’iil ku leeyihiin Koonfurta  Magaalada Xayfa.

Wararka ayaa tilmaamaya in saldhigaani oo ku yaal dhanka Israa’iil meel 70 KM u jirta Xuduuda Dalka Lubnaan ay Xisbullah xalay ku qaadeen weerar ay u adeegsadeen drons.

Dagaal-yahanada Xisbullah ayaa xalay qiyaano ku sameeyay ciidamada gaarka ah ee yuhuuda kuwaasoo xalay la gaarsiiyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gantaalo dhulka ay ka gameen Xisbullaah ayay ku mashquuliyeen ciidamada Yuhuuda kadibna waxaa gantaalada daba maray drons xanbaarsan gantaalo iyo qaraxyo taasoo madaafiic la dhacday saldhiga Yuhuuda kadibna isku qarxisay.

Inta ay qirteen saaka yuhuuda 4 askari ayaa halkaasi kaga dhimatay halka 67 kalana ay dhaawacmeen.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here