MUQDISHO(DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa saaka furay shir ay isugu yimaaddeen Wasaaradaha adeegga bulshada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed.
Shirkaan ayaa lagu xoojinayaa ahmiyadda kobcinta Karaanka Aadanaha, oo udub dhexaad u ah horumar kasta oo dalkeennu hiigsanayo.
“Mushkilad kasta oo ka mida kuwa maanta aan la tacaaleyno sida faqriga,cudurada,colaadaha iyo argagaxisada waxaa sabab u ah karaanka bulshada somaliyeed oo hoos u dhacay”ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha
Xamze Cabd-Barre wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya aysan joogteen halka maanta la joogo hadii Soomaalidu karaankeeda mar hore kor u qaadi lahayd.
“Sida bulshooyinka kale ayaan waxyaabo kale higsan lahayn” ayuu yiri Xamze .
Mar uu ka hadlaayay sababta keeni karta in karaanka bulsho hoos ugu dhaco wuxuu tilmaamay inay ugu wacan tahay is colaadinta iyo is dilka.
“Hadaad aragto meel argagaxisadu ku taranto waa meel bulshada joogta uu karaankoodu hoos u dhacsanyahay, hadaad aragto meel faqri yaal oo dadku baahi u dhimanayaal waa meel bulshada joogta uu karaankoodu hoos u dhacsan yahay”ayuu mar kale yiri Ra’iisulwasaaraha
Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha ayaa aayado quraana u soo daliishaday in Alle insaanka u saqiray dunidaan iyo waxa qeyraad dhex yaal si insaanku u adeegsado.
“Dunidaan wuxuu Alle u saqiray insaankaa yar inuu adeegsado,wuxuu Alle dhex dhigay wax kasta oo insaanka uu ku noolaan lahaa oo dhan, insaanka waxaa laga rabaa inuu la yimaado awoodii Caqli iyo tii aqooneed ee uu ku soo saaran lahaa”ayuu mar kale yiri Xamze Cabdi-Barre
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement