XOG: Qorshaha Madaxweyne Xassan uu maal-gelinta u helay inta ka harsan muda xileedkiisa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar hoose oo ku saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu degsaday qorshe halistiisa wata oo naf iyo maalba Dowladu rabto inay ku bixiso kaasoo lidi ku ah Kooxda Alshabaab.

Qorshahaan oo si dhameystiran aan loo helin ayaa hadana wararka qaar sheegayaan in Xassan sheekh doonayo mudada uga harsan muda xileedkiisa inuu Somalia oo dhan kaga saaro kooxda Alshabaab.

Dowlada Qatar diyaaradaha ay u iibisay Dowlada waxaa la sheegay inuu dalbaday Madaxweynaha islamarkaana ay qeyb ka tahay qorshaha Madaxweyne Xassan ku rabo inuu ku soo afjaro jiritaanka Kooxda Alshabaab.

Sidoo kale qorshaha Xassan iyo dalabaadkiisa uu u dirsaday saaxiibada caalamka waxaa ku jira taageerada ama balan qaadka miisaanka  culus ee Dowladu ka heshay dalka isu taga imaaraadka carabta xili dhaxal sugaha uu imanayo Muqdisho fulinta balan qaadkooda.

Ciidamadii ugu badnaa ayuu Madaxweynuhu diyaariyay xili Booliiskii iyo asluubtii xitaa uu u direy furumaha taasoo lafteeda qorshaha ku jirta madaama meel kasta oo milatarigu ka saaro Alshabaab ay u baahan tahay in la difaaco islamarkaana Boliiska shaqadiisa ay tahay.

Qorshahaan hadii uu Xassan Sheekh ku guuleysto wuxuu kasban doonaa quluubta Somali weyn waxayna sahli doontaa in markii sedexaad la soo doorto ama uu taariikh fiican uga tago Somalia,maamuus aan dhamaana loo sameeyo iyo taalooyin isagoo nool.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here