MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa isa soo taraya warar sheegaya inuu jiro tuhun ah in saraakiil NISA ka tirsan ay fududeeyeen qaraxii la doonayay in shalay lagu khaarajiyo Madaxweyne Xassan.
Wararka isa soo taraya ayaa sheegaya in qaar ka mida saraakiil ka tirsan kuwa NISA oo laakiin hore shaqada looga eryay inay ku lug leeyihiin fududeynta qaraxa shalay madaxweynaha la rabay in lagu dilo inkastoo aan magac la sheegin.
Dhanka Dowlada gaar ahaan taliska nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa wali wax warbixin ah ka soo saarin tuhunka jira balse waxay wali wadaan baaritaanadooda.
Warbaahinta ayaa lagu wadaa inay NISA dhawaan ku shaaciso ama ay talaabo degdeg ah qaado taasoo lidi ku ah cid kasta oo qaraxaasi ku lug yeelata.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM