=XIGASHO BBC SOMALI=

Ethiopian Airlines

Advertisement

Maamule hore oo ka tirsanaa shirkadda diyaaradaha ee Boeing ayaa waxa uu sheegay in shirkadduu ay qarisay xogta cillad ay lehayd diyaaraddii 737 MAX ee Ethiopian Airlines ee bur buri jirtay, waxa uuna tilmaamay maamuluhu in diyaaraddu lahayd cillad dhinaca dabka ah.

Ninkaan oo horay u maamuli jiray xafiiska shirkadda ee Washington, ayaa haatanhugaamiya koox la yiraahdo Hay’adda Badbaadada Duulimaadka, ayaa waxa uu sheegay in shirkaddu ay ogayd in diyaaraddii lix sano ka hor burburi jirtay ee ay ku dhinteen 157 qof ee ay Soomaalidu ku jirtay in ay lahayd cillad dhinac dabka ama korontada ah.

Waxa uu intaas ku daray in diyaaradu ay konotoroolka lumin kartay mar walba oo ay ku duulayso jog hoose, sidoo kalama cillado badan ay lahayd.

Hay’adda uu ninkaan hugaaminayo ayaa waxay sheegtay in in ka badan 1,000 diyaaradood oo ay nuuca Boeing ah oo haatan hawada ku jira ama la adeegsado aya halis ugu jiraan in ay wajahaan cillad dhinaca dabka ah oo ay sabab u tahay qaabka ay shirkaddu markii horeba u sameysay diyaaradda.

boeing

Diyaaradda ayaa ah kuwii ugu dambeeyay nuuca 737 Max ee xilligaas Boeing sameysay.

Sidoo kale isla nuuca 737 Max ayaa kol hore waxay ku burburtay dalka Indonesia iyada oo ay ku dhinteen ilaa 189 qof.

Afhayeen u hadlay shirkadda Boeing ayaa waxa uu sheegay in Ethiopian Airline, “ay si fiican ula shaqaysay oo ay xog fiican ka siisay shilka si baaro” xilligii uu dhacay shilku.

“Wali waxaan xog ka sugeynaa hay’adaha baaritaanka kuwada,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Labada shilba waxaa sababay dhibaato uu sababay nidaamka kontoroolka duulimaad ee shirkadda Boeing ee loo yaqaano (MCAS).

Waxaa la sheegay in nidaamka kontoroolka duulimaadka ee Boeing ee loo yaqaano MCAS ay cillad badan ku timaado, taas oo sababta in diyaaraddu ay dhulka ku dhacdo iyada oo wali la isku dayayo in la kontoroolo.

Hay’adda ayaa waxay soo bandhigtay dukumiintiyo ay badan oo ay u soo dusiyeen shaqaalaha Boeing, kuwaas oo la xairiira qaabka loo sameeyay diyaaraddii ku burburtay Ethiopia.

Dukumiintiyada oo ay ku qoran yihiin xoge aad u faahfaahsan oo farsamo, ayaa waxay qeexayaan cilladihii ay diyaaraddu lahayd markii hore ee la soo saarayayba.

Warqaduhu “waxay muujinayaan nidaam diyaarad sameyn oo jahwareer iyo isku dhexyaac badan leh oo ka jiray warshadda waqtigii la sameynayay 737,” ayuu yiri.

Waxyaabaha lagu xusay dukumiintiyada ayaa waxaa ka mid ah in ay ku yar yihiin diyaaradda walxaha loo adeegsado dab dhalinta, in lagu xiray diyaaradda fiilooyinka iyo xarko koronto qaada oo aan haboonayn, iyo sidoo kale in shaqaalihii farsamada lagu cadaadiyay in ay alaabo cilladeysan dib ugu xiraan diyaaradda.

Todobaadyadii iyo bilihii ugu dambeeyay ee markii shilku dhici rabay, diyaaradda ayaa waxaa haystay cilladaha dhinaca dabka ah.

Hay’adda ayaa waxay sidoo kale sheegtay in in dhibaatadu ay ahayd qalad aasaasi ah oo ku sida loo xiray fiilooyinka dabka ee diyaaradda xilliga la farsameynayay.

Dokumiintiyada “ayaa waxaa laga qariyay dawladda, hay’adaha amniga, diyaaradaha, qoysaskii dhibanayaasha iyo dadweynaha,” ayay tiri Hay’adda Badbaada Duuliimadka.

Hay’adda ayaa waxaa hugaamiya Ed Pearson, oo ah maamulihii hore ee Boeing 737 xaafiiska ay ku leeyihiin Washington.shil

Ed ayaa waxa lagu xasuustaa inuu marqaati ku furay gudaha sharcidajiyeyaasha Maraykanka kadib markii ay dhaceen labadii shil ee 737 Max.

Ed ayaa waxa uu marar kala duwan sheegay in cilladaha tayada iyo dhinaca badbaadada ee shirkadda ee yimaada xilliga la farsmeynayo diyaaradaha, ay kaalin muhiim ah ka qaateen labda shilba, inkasta oo ay tahay eedeyn marar badan iska diiyay Boeing.

Balse warkaas waxaa ku raacay Xafiiska Baaritaanada Shilalka Maraykanka oo baaritaan ku sameeyay dhacdadii Ethiopian Airlines.

Xafiiska ayaa waxa uu sheegay in sababta shilku ahayd mid la xiriirtay cillad dhinac farsameynta diyaaradda ah taas oo keentay in nidaamka shaqada diyaaraddu uu hawlg gabo.

Balse xafiiska Gaadiidka Qaranka Maraykanka iyo Badbaada Rakaabka, ayaa isagu diiday warkaas, waxa uuna sheegay in aan cadeymo ku filan loo hayn.

Waxa uu sheegay in nidaamka dareenka diyaaradda in uu shaqayn waayo ay sababi kartay walax banaanka uga timaada, sida shimbir oo kale.

Maamulka Duulimaadka Maraykanka ayaa waxa uu ku amray diyaaradda in ay dhaqan galiso “qorshe dib u sixitaan” si ay u hormariso tayada iyo badbaada kontoroolka diyaaradaheeda.

Balse oo soo xiganayay dad ka shaqeeya shirkadda ayaa waxa uu sheegay intaasi aysan wali dhaqan galin oo loo baahan yahay in hay’adda duulimaadka Maraykanku ay goobta tagto oo ay baaritaan sameyso.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here