ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Raisal Wasaaraha ItoobiyaAbiy Axmed ayaa sheekadiisii bad raadinta markaan la aaday dhanka dalka Eritrea iyadoo ay taagan tahay xiisad labadaasi dal ka dhex taagan sidii ay hore iskugu hayeen Somalia oo kale.
Abiy Axmed oo ayaa daboolka ka qaaday in Dalkisu duullaan ku ahayn dalka Eritrea laakiin kaliya ay rabaan inay si nabada ku gaaraan Biyaha badda cas isaga madaama Baddii Itoobiya ay martay dhanka Eritrea balse sodomeeyo sano ka hor ay ka go’day dalka Itoobiya islamarkaana noqotay dal ka baxsan oo madax banaan.
War shalay ka soo baxay dhanka Dowlada Eritrea ayaa lagu dhaliilay Itoobiya inay wadaan qorshe dagaal labada dhinac ah si ay ku qabsadaan xeebaha dalka Eritrea.
“ Itoobiya, cabsaneyso weeraro kaga yimaada dalalka aannu deriska nahay waana isku filanahay hadafkeenu waa inaan nabad helnaa oo kaliya”ayuu yiri Abiye Axmed.
Dhanka kale mar uu soo hadal qaaday xiisadii Badda ee hore uga dhex taagnayd Somalia ayuu carabka ku adkeeyay inay xal u heleen.
“waa ogtihiin sidii aannu u xalinay wararkii hore loo sheegi jirey ee ahayd dagaal ayaa inooga imanaya Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya .
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM