Talaadadi shalay waxaa heshiis xabad joojin ah kala saxiixday Israa’iil iyo dagaalyahanada reer Lubnaan ee Xisbullaah.
Xabbad joojintaan u dhaxaysay Israa’iil iyo Xisbullah ayaa dhaqan gashay iyadoo rajada laga qabo in si joogto ah loo soo afjaro weerarrada Israa’iil ee Lubnaan, iyo sidoo kale in ka badan sannad oo ay dagaallo ka socdeen xuduudda.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in heshiiska uu ku lug leeyahay in ciidamada Israel ay ka baxaan Lubnaan muddo 60 maalmood ah, iyadoo ciidamada Lubnaan ay la wareegayaan dhul ku yaala koonfurta dalkaasi si ay u xaqiijiyaan in Xisbullah aysan dib u dhisin ciidamada.
Dhanka kale Weerarrada Israa’iil ayaa tobanaan qof ku dilay Qaza, oo ay ku jiraan 13 qof oo gabaad ka dhiganayay iskuul ku yaalla xaafadda Zeitoun ee magaalada Gaza.
Advertisement
Xasuuqa Israa’iil ee Gaza ayaa dilay ugu yaraan 44,249 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 104,746 kale tan iyo Oktoobar 7, 2023. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
Lubnaan, ugu yaraan 3,823 qof ayaa lagu dilay 15,859 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement