=XIGASHO BBC SOMALI=

Calaamadda Waddani

Advertisement

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay 22kii August kulan dadweyne oo su’aallo lagu weeydiinayey Ra’iisulwsaaraha kadib markii muddo laba sano ah ay u buuxsantay xukumaddiisa ayaa su’aalahii la weeydiiyay waxaa ka mid ahaa su’aal ku aadaneyd sababta ay dowladda Soomaaliya ay u aqoonsan weysay SSC Khaatumo, laakin Ra’iisulwsaaraha ayaa arintaasi kaga jawaabay”

Haddii ay doorasho ka ka dhacdo Somaliland oo ay madax cusubi ay timaado, waxa aan rajeyneyna in aan isla jaan qaadi doono, oo Soomaaliya oo mid ah oo walaalo ah aan heli doono” isagoo intaasi ku daray in ay taasi ka shaqeyneynaa .

Xamse Cabdi BarreHadalkaasi Ra’iisulwsaaraha ayaa waxa ka dhashay falcelin kala duwan oo ka timid dhanka Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda ee Somaliland.

Warsaxaafadeedka Xisbiga Waddani

Xirsi Cali Xaaji Xasan

Warsaxaafadeed uu soo saaray Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa lagu naqdiyay warka laga soo tebiyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya. “Ujeeddo kasta oo hadalkaasi xambaarsan yahay ama lagu doonayo in dadkayaga lagu qaybiyo waa riyo-maalmeed” ayaa lagu yiri warsaxafadeedkaas.

Warsaxafaadeedka Xisbiga Waddani ayaa lagu sheegay, “mucaarad iyo muxaafid, qaddiyadda Somaliland waannu ka midaysannahay. Somaliland iyo dadkeeduna waa ul iyo diirkeed, siyaasadda Waddanina waa dadka Somaliland oo mid ah, oo beesha caalamka ka mid ah”.

Wasiir Buuni

Hasayeeshe Cabdinasir Muxumed Buuni Wasiirka xiriirka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka ee Somaliland ayaa sheegay in musharraxa Xisbiga Waddani ee u tartamaya madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro laga doonayo in uu ka hadlo arritaasi isagoo ku doodday in fariinta Ra’iisul wasaaraha aanay ku socon Xirsi Cali Xasan, waayo buu yiri Xirsi ma aha ninka doorashada madaxtinimada u sharraxan “ Jawaab ahaanna kuma filna qoraal laga soo saaro “ waa sida uu hadalka u dhigaye isagoo intaasi raaciyay, “qof ahaanna Xirsi ma aha ninka u Sharraxan Xisbiga” ayuu yiri Cabdi Naasir Muxumed Buuni.

Arinka wasiirka ayaa dadka qaarkii u arkaan mid siyaasadeed oo la doonayo in galaangal loogu yeesho ololaha doorashada Somaliland ee bisha November dhacaya.

laakin wasiirka ayaa sii adkeeyay hadalka kadib markii uu ku doodday in Xisbiga Kulmiye iyo Ucid oo kaliya ay aaminsan yihiin Somaliland ee Waddani aanu aaminsaneyn Somaliland, laakin taasi ay ka hor imaanayso mowqifka xisbiga Waddani oo uu danbeeyay warsaxaafadeedkii ugu danbeeyay ee uu saaray Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ee lagu sheegay in siyaasadda Waddanina ay tahay dadka Somaliland oo mid ah, oo beesha caalamka ka mid ah.

Somaliland waxa ay si iskeed ah uga go’day Soomaaliya sanadkii 1991, hase yeeshee weli caalamka kama helin aqoonsi buuxa, Soomaaliyana waxa ay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya oo ay Soomaaliland ku jirto. Laakin Somaliland waxa ka jira xasilooni nabadeed oo ay kaga duwaneyd Soomaaliya inteeda kale marka laga reebo dagaaladii Ka dhacay Sanadkii hore Laas Caanood ee dhexmaray ciidamada Somaliland iyo SSC Khaatumo.

Xiisadda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxa ay cirka isku shareertay kaddib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu 1dii Janaayo ee sanadkan uu heshiin is faham oo dhanka badda ah la saxiixday Ra’iisulwasaaraha Ethiopia Aby Axmed . Heshiiskaas oo ay Soomaaliya si weyn uga hor timid kaas oo keenay in xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia uu xumaado.

Turkiga ayaa marti geliyay wadahadallo dhexdhexaadin ah oo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ethiopia kuwaas oo ku aaddanaa heshiiska isfahan ee ay Itoobiya la gashay Somaliland , heshiiskaas oo ay Somaaliya si weyn uga hortimid. Wadahadallada oo dhacay laba wareeg oo labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku kulmeen Ankara ayaan wax heshiis ah laga gaarin, in kasta oo kulankii ugu danbeeyay ee 13kii August ee sanadkan ka dhacay Ankara lagu sheegay in farqiga dheer u dhaxeeyay labada dhinac la soo yareeyey, laakin wax heshiis laguma gaarin kulankaas, iyada oo loo ballamay wareeg seddexaad in loo gudbo, kaas oo dhici doona bisha September, inkastoo aan la sheegin taariikhda rasmiga ah ee wareegga seddexaad ee wadahadallada.

Doorasho

Doorashada Madaxtooyada ee Somaliland ayaa loo qorsheeyay inay Somaliland ka qabsoonto bisha November ee sanakan 2024, kadib markii in muddo ah uu khilaaf siyaasadeed hareeyay kaas oo ku aadana waqtiga doorashada iyo waxa laga yeelayo ururada iyo xisbiyada siyaasadeed, hase yeeshee markii danbe laga gaaray xal ah in xisbiyada siyaasadeed ee hadda jira ay galaan doorashada maadaxtinimada.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here