Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay furitaanka “Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Dalka,” oo uu maanta ku dhawaaqay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Xisbiga UPD, oo ka mid ah xisbiyada sida kumeel-gaarka ah u diiwaangashan, ayaa sheegay in ay wadaan diyaar garow ballaaran si dib loogu howlgeliyo laguna dhammaystiro shuruudaha uu tilmaamay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Advertisement

UPD waxa uu aaminsan yahay in xalka mushkiladaha siyaasiga ee dalka uu qayb ka yahay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda ee xisbiyada badan.

Xisbiga ayaa tilmaamay in nidaamkani uu fursad siinayo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, si ay si xor ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda iyo wakiilladooda siyaasadeed ee heerarka kala duwan ee dowladda.

“Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka waxa uu rajo weyn ka qabaa in hannaanka cusub uu horseedi doono xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, looguna gudbi doono Soomaaliya oo midaysan, nabad ah, islamarkaana si dimuqraadi ah isku maamusha” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xisbiga.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here