Dimuqraadiyiinta qaarkood way faraxsan yihiin, qaarna way ka murugoodeen bixitaankii Biden marka la eegoo go’aankii shalay uu uga haray musharaxnimada xilka Madaxweynaha doorashada soo socota.
Codbixiyeyaal badan ayaa rajo ka muujiyay warka sheegaya in madaxweyne Joe Biden uu ka tanaasulay ololihiisa doorashada.
Jerod Keene, 40, oo ah tababaraha ciyaaraha fudud ee ka socda Arizona, ayaa qorsheeyay inuu u codeeyo Biden bisha Nofembar laakiin markii maqlay inuu isaga haray wuxuu uga mahad celiyay Madaxweynaha go’aanka uu qaatay.
Keene wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay musharaxa badalay Biden Kamala Harris, kaasoo Biden uu taageeray.
“Waa madaxweyne wanaagsan, Waan jeclahay Biden, ”ayuu yidhi Ledbetter. Laakiin, wuxuu ku daray, ” ayuu yiri George Ledbetter oo ah maamule makhaayad ku taal agagaarka Detroit
Ledbetter wuxuu sheegay inuu taageeri doono Harris inkasta oo uu niyad jabsan yahay.
“Waxaan u maleynayaa inay sameyn karto oo ay noqon karto Madaxweynihii ugu horeeyay oo haween ah, taasi way fiicnaan lahayd”ayuu mar kale yiri