Sida lagu shaaciyay war ka soo baxay dhanka Dowlada Mareykanka waxaa jira xiriir dhex-maray Kooxda Alshabaab oo Soomaaliya ka dagaalanta iyo kooxda Xuutiyiinta oo iyaguna Yemen ka dagaalama.

Masuul ka tirsan Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay, inuu jiro is faham iyo iskaashi ay sameeyeen labadaasi kooxoo si u sii badiyaan awoodahooda.

Advertisement

“waa arin wal-walkeeda leh wada-shaqeynta Alshabaab iyo Xuutiyiinta”ayuu yiri sarkaal Mareykan ah oo ka hadlaayay arintaan

Sarkaalkan wuxuu xusay in milatariga Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaareen dagaal ay la galeen alshabaab labadii sano ee u danbeysay islamarkaana ay dhul balaaran ay ka qabsadeen alshabaab walow sida uu sheegay ay soo rogaal celiyeen.

Dhanka kale Aqoonyahan Guuleed Axmed oo la hadlay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in Xuutiyiinta hore Alshabaab ugu soo direen sedex injineer oo ka caawiya sameynta hubka iyo walxaha qarxaha,sidoo kale hada waxay xuutiyiintu waxay doonayaan inay abuuraan jiho cusub oo badweynta Hindiya ah oo Al-Shabaab ay ka heli karaan gantaalada casriga ah iyo diyaaradaha drons-ka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here