Sida goor dhaw lagu shaaciyay Warbaahinta Dowlada  Maalinta Sabtiga ah ee toddobaadka soo socda waxaa guud ahaan dalka looga fariisa doonaa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee sanad dugsiyeedka 2023-2024, kaas oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS.

In ka badan 37 kun oo arday oo ku kala nool Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa sanadkaan u fariisa doonta imtixaanka dugsiyada sare ee dalka, ardayda iyo wasaaradda waxbarashada ayaa ku jira diyaar-garowgii ugu dambeeyey.

Dhowaan waxaa la soo gabagabeeyey imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada dhexe, kaas oo in ka badan 35 kun oo arday ay ku galeen gobolka Banaadir iyo gobollada kale ee dalka, waxaa xusid mudan in degmooyinkii laga xoreeyey Khawaarijta, sida Xarardheere, Ceeldheer, Aadan-Yabaal iyo deegaano kale ay sanadkaan imtixaanka ku galeen arday u gudbeysa dugsiga sare.
May be an image of 8 people, people studying and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here