MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaano Soomaaliyeed oo isugu tagay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa la soo sheegayaa inay diyaariyeen qoraalka Mooshin ka dhan ah Ra’iisulwasaare Xamza.
kulamo ku saabsan mooshinkaan ayay saacadihii la soo dhaafay yeesheen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka kaasoo ay iskula qorsheeyeen mooshinka.
Wararka laga helaayo fadhiiyada xildhibaanadaan ayaa sheegaya in qorshahoodu yahay inay mooshinkaan ay ku soo aadiyaan furitaanka kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka kaasoo lagu wado inuu Muqdisho ka furmo bisha Febraayo oo maalmo ay naga xigaan.
Xildhibaanadu waxay doonayaan inay Gudoonka Baarlamaanka farta ka saaraan marka uu furmo Kalfadhiga 6aad.
Maaha markii ugu horeysay oo Xildhibaanadu damcaan mooshin ka dhan ah Ra’iisulwasaare Xamza balse siday rabeen wax uguma socon xili dhowr mar saan oo kale warbaahintu uga war heshay qorshe nuucaan ah.
Ra’iisulwasaare Xamza Cabdi Barre ayaa hada mudo sedex sano ah jooga xafiiska taasoo la mid ah mudadii uu sidaan oo kale u joogay Ra’iisulwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre balse Xamza haduu mooshinkaan ka bad-baado wuxuu noqon doonaa ra’iisulwasaarihii ugu waqtiga dheeraa madaama uu hada iska soo bareejeeyay Xasan Cali Kheyre.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM