KISMAAYO (DAYNIILE.COM)- Waxaa maanta Magaalada Kismaayo gaaray inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ku matala Maamulka Jubbaland.

Xildhibaanadaan ayaa u tagay Kismaayo fulinta codsi ka yimid Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe kaasoo dalbaday inay Kismaayo soo gaaraan madaama uu khilaaf kala dhexeeyo Dowlada Somalia.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in xildhibaanadaani kulan toos ah la qaataan Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe,si uu ugu wargeliyo khilaafka kala dhexeeya Dowlada Somalia oo sababay inuu ka soo baxo shirkii Golaha wada-tashiga Qaran.
Inta badan dadka siyaasada u dhuun duleela waxay saadaalinayaan inuu Axmed Madoobe mari doono wadadii uu maray Madaxweynaha Maamulka Puntland kaasoo ka dalbaday inay isaga garab siiyaan markii uu u wacday xildhibaanada Soomaaliyeed ee Puntland ka soo jeeda.
Sidoo kale waxaa durba bilowday inay is casilaan qaar ka mida wasiirada reer Puntkand ka soo jeeda ee ku jira Xukuumada Somalia taasoo loo fasiran karo dalabkii Saciid Dani.
Si kastaba Xildhibaanada maanta gaaray garoonka Kismaayo waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Jubaland iyo masuuliyiin kale.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 8 people, aircraft and text
May be an image of 6 people, aircraft and textNo photo description available.May be an image of 9 people and helicopterMay be an image of 7 peopleMay be an image of 9 people, aircraft and suitMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 7 people, suit and helicopterMay be an image of 13 people and helicopterMay be an image of 14 peopleMay be an image of 15 people, helicopter and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here