MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mudanayaasha Baarlamaanka labada aqal ee Dowlada faderaalka Soomaaliya ayaa saaka kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa.
Kulankaan oo xasaasi ahaa ayaa waxaa lagu ansixiyay xeerka dhismaha guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Advertisement
Mudanayaashii soo xaadirey ayaa dhamaantood cod buuxa ku meel-mariyay xeerkaan kuwaasoo tiradoodu ahayd 173 Xildhibaan.
xeerkaan la ansxiyay ma jirin Xildhibaano diiday ama ka aamusay taasoo ka dhigtay mid ansax ah waliba codad loo dhamaa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement