MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala beelaha Hawiye ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho gaar ahaan guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed.
Masuuliyiintaan ayaa shirkooda uga hadlay xaalada cakiran ee u dhexeysa Dowlada iyo Ganacsatada taasoo ka dhalatay canshuurta Dowlada oo ganasatadu qaar sheegeen inay dheeraad ku tahay midii sharciga ahayd.
Mudanayaashaan ayaa aaminsan arintaani soo korortay ay tahay dhibaato u qaas ah shacabka iyo ganacsatada reer Muqdisho.
Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday dhibaato kale oo dhanka Alshabaab ka imaaneysa kuwaasoo bilaabay inay gubaan hantida dadka reer Muqdisho sida xalayna ka dhacday deegaanka Ceelsha biyaha ee duleedka Xamar.

Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed iyo dhamaan mudanayaasha kale ayaa isla gartay oo qalinka ku duugay inay in loo istaago sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadaani soo wajahday ganacsatada reer Muqdisho.

Sidoo kale waxay isla garteen in marka hore la dhageysto cabashada ganacsatada si ay u sahlanaato in wax laga qabto tabahashadooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 8 people and dais
May be an image of 1 person and dais
May be an image of 7 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, beard, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here