HomeWarkiiXildhibaanada Aqalka sare oo ansixiyay afar hindise sharciyeed

Xildhibaanada Aqalka sare oo ansixiyay afar hindise sharciyeed

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Lixaad kulankiisa 4-aad oo ajandihiisu ahaa:
1.Akhrinta Saddexaad ee Hndise Sharciyeedka Hay’addaha Maaliyadda.
2.Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Canshuurta Dakhliga.
3.AkhrintaSaddexaad ee Hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska.
4.Akhrinta Saddexaad ee Hindise sharciyeedka wax-ka-beddelka sharciga Lacag dhaqista iyo ka hortaga Maalgalinta Argagixisada.
Ugu horrayn, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Ibraahim Awgab Cismaan ayaa Sanatarrada la wadaagay xogta akhrinta labaad iyo sida uu guddigu u soo qaabeeyay Sharciyadyada Maaliyadda ee kor ku xusan, Intaas ka dib waxaa la gudagalay ansixinta Sharciyada Maaliyadda, iyagoo Sanatarradu mid mid ugu codeeyeen. Midwalbana waxaa codka kalsoonida siiyey 27 sanatar wax diiday ma jirin, waxaana ka aamusayna 1 sanatar oo kaliya.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaha Maaliyadda XFS, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo kulanka maanta goobjoog ahaa, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare iyo Guddiga ka shaqeeyay sharciyada maanta la ansixiyay uga mahadceliyay, sida wanaagsan oo ay turxaan bixinta iyo toosinta ugu sameeyeen sharciyada loo ansixiyay oo muhiimad gaar ah u leh dadka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.May be an image of 1 person and daisMay be an image of 11 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -