No description available.
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaanad Ifraax Nooleeye oo maanta hadalo ka jeedineysay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay hadalo ay xildhibaanada qaar jeediyeen islamarkaana ay ku dhaliileen wasiirka maaliyada.
Xildhibaanada waxay sheegtay in Reer Woqooyigu yihiin dadka leh hantida ugu badan ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxay sheegtay in reer Waqooyiga ku ganacsada Muqdisho ay yihiin dadka ugu badan ee canshuurta bixiya.

 “Wasiirka Maaliyadduna Koyto maaha,wuxuu ku dhashay Muqdisho,dad reer waqooyiguna canshuurta ugu badan ayay bixiyaan”ayay tiri Xildhibaanad Ifraax Nooleeye.

Xildhibaanadan oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee la isku dhaho Somaliland ayaa u muuqatay inay difaaceyso Wasiirka maaliyada Somalia ayaa carabka ku adkeysay in Wasiirku ku shaqeeyo siyaasada Xukuumada Somalia islamarkaana uu la mid yahay wasiirada kale.

“waxba yaan gooni loo faquuqin wasiirka maaliyada, wuxuu la mid yahay wasiirada kale”ayay tiri mar kale xildhibaanada

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here