MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mid ka mida Xildhibaanada Soomaaliyeed ee deegaan doorashadiisu tahay dhulka Maamulka Koofur-Galbeed ayaa kashifay qorshe khilaaf iyo fodo keeni karta oo ay Magaalada Xudur ka wadaan Wasiiro ka tirsan Maamulka Koofur-Galbeed.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo C/llaahi Aadan Axmad Black ayaa saxaafada u sheegay in Wasiiro ka tirsan Maamulka Koofur-Galbeed ay ka shaqeynayaan in xilka laga qaado guddoomiyaha degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Advertisement

Xildhibaan Black ayaa ka digay talaabadaasi madaama Gudoomiyaha Magaalada Xudur uu ku yimid doorasho sharci islamarkaana ay keeni karto talaabadaasi fowdo siyaasadeed.

“arbacadii waxaa xudur gaaray wasiirka arrimaha gudaha  iyo midka amniga ee maamulka K/galbeeed ,sida aan xogta ku helnay hadii ay sameeyaan xil ka qaadista Gudoomiyaha Xudur waxay noqoneysa talaabo aan u wanaagsaneyn reer koofur-galbeed”ayuu yir Xildhibaan C/laahi Black

Xildhibaanka wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Madaxda sare ee maamulka Koofur-Galbeed Madaxweyne ilaa wasiiro in waqtigii sharciga ahaa uu ka dhacay, islamarkaana ay yihiin kaliya xil gaarsiiyayaal.

“Madaxweyaha ilaa wasiirada Koofur-Galbeed xiligaan maba awoodaan inay xil ka qaadis sameeyaan madaama waqtigii sharciga ahaa uu ka dhacay , kaliyana waa xil gaarsiiyayaal inta doorashada laga qabanayo”ayuu yiri Xildjibaan C/llaahi Aadan Axmad Black.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here