NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Somali kenyan ah oo laga soo doorto Ismaamulka Wajeer ayaa dib u helay xoriyadiisa kadib dhowr bilood oo afduub ahaan loo heystay xili markii ugu dambeysay laga qafaashay Nairobi.
Xildhibaanka oo lagu magacaabo Yuusuf Tol-fiyow wuxuu la hadlay saxaafada wuxuuna cadeeyay inuu jirey muran dhanka miisaaniyada Wajeer oo kala dhexeeyay Maamulka Magaalada Wajeer islamarkaana ay dhowr mar u hanjabeen kadi teleefoon ay ka waceen.
Xildhibaanka wuxuu sheegay xitaa afduubkiisa inay ahayd shirqool maamulka wajeer uu ka danbeeyay markii sida uu sheegay shir inuu ka qeybgalaayo darteed Nairoobi looga yeeray sidaasna uu afduubkiisa ku dhacay .
Wuxuu si toos ah ugu eedeeyay Madaxda Maamulka Wajeer inay ka dambeeyaan afduubkiisa,mar uu ka hadlayay inuu yaqaan dadka heystay wuxuu sheegay inay wajiga soo duubteen sidaas daraadweedna uusan midna ka aqoonsan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM