HomeWarkiiXildhibaan reer Khaatumo ah oo cadeeyay inay maxaabiis reer Somaliland ah sii...

Xildhibaan reer Khaatumo ah oo cadeeyay inay maxaabiis reer Somaliland ah sii deyn doonaan.

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Mid ka mida xildhibaanada Maamulka SSC Khaatumo ayaa baraha bulshada soo geliyay qoraal uu kaga hadlayo wararka sheegaya in  reer khaatumo ay sii deyn doonaan qeyb ka mid ah maxaabiista reer Somaliland ee u xiran.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo  Axmed Keyse ayaa si toos ah u sheegay inay ku sharfi doonaan imaanshaha Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya inay maxaabiista qaar sii daynayaan walow madaxda sare ee Khaatumo aan wali war cad laga helin.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu Turkey ka sheegay in Ra’iisulwasaare Xamse uu u tagay laas-caanood sidii uu u abuuri lahaa jawi nabadeed oo lagu wada hadal siin karo Khaatumo iyo Somaliand madaama dagaalo ay dhex mareen islamarkaana suurtagal laga dhigi in maxaabiista ay is weydaarsadaan.

Sidoo kale Hogaamiyaha SSC Khaatumo ayaa manta shaaciyay inay Somaliland ugu baaqayaan nabad shuruud la’aan ah marka laga reebo rabitaankooda in lagu soo farageliyo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -