HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland waxaa maanta lagu xirey Xildhibaan Maxamed Abiib kadib markii uu ka soo laabtay Dalka Imaaraadka oo ku maqnaa maalmihii ugu dambee

Xildhibaanka ayaa Imaaraatka ku bixiyay waraysi uu ku durayo maamulka uu ka tirsan yahay taasoo loo badinayo in loo xirey inkasoo aysan ciidamada Somaliland faahfaahin xariga ujeedkiisa.

Advertisement

Sidoo kale Garyaqaanka Guud ee Maamulka Somaliland ayaa Xildhibaan Abiib ka gud-biyay  dacwad maamus ka xayuubin ah,isagoo u gudbiyay golaha wakiilada balse waxaa la sheegay in xildhibaano badan ka soo horjeesteen soo gudbintaasi.

Xildhibaankaan hore ayaa loogu eedeeyay  arrimo la xiriira ku xadgudub sharci inkastoo uu beeniyay eedahaasi,sidoo kale waxay la sheegay inuu khilaaf kala dhexeeyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.

Dhanka kale Siyaasiyiinta Mucaaradka Somaliland ayaa cambaareeyay xariga loo geystay Xildhibaan Maxamed Abiib.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Qaylo Dhaan U Dirtay Shacabkii Soo Doortay?

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here