Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf Abib ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga halday Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo ku xigeenkiisa oo maanta loo dhaariyay hogaanka maamulkaasi oo dhawaan loo doortay.
Qoraalka Xildhibaan Abib wuxuu u qornaa sidan:-
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maanta loo dhaariyay Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudaneyaal, waxaad u dhaarateen in aad dhawrtaan dalkan dastuurkiisa, midnimadiisa, qaranimadiisa, muwaadiniintiisa iyo xuduudihiisa. Sidoo kale, waxaad u dhaarateen in aad soo celisaan qabkiisa iyo qaayihiisii.
Maanta, waad u siman tihiin dhammaan muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, in idin dooratay iyo in aadan idin dooranba. Waxaad tihiin odayaashii qaranka. Sidaa darteed, waxa la idinka sugayaa dulqaad iyo dad isku hayn.
Dadka reer Somaliland ee la daala dhacaya duruudaha dhaqaale la’aan, waxay idinka sugayaan in aad sicir bararka dhintaan, noloshana u fududeysaan.

Waxaan ku kalsoonahay in aad mas’uuliyaddaa culus, waajibkeeda si xilkasno leh u gudan doontaan. Duco iyo dedaal ayaanu idinla garab joognaa. Waxaad huwan tihiin milgaha qaranka. Waxaad tihiin astaan qaran.

𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐡𝐚 𝐧𝐨𝐨𝐥𝐚𝐚𝐭𝐨
𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐡𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐥𝐚𝐲𝐬𝐚𝐭𝐨May be an image of 8 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here