MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo wareysi siiyay Warbaahinta Shabelle ayaa si kulul uga hadlay hadalo shalay ka soo baxay ergeyga Madaxweynaha ee dhanka macawisleyda kaaasoo ahaa cid kasta oo loogu tago meelaha Alshabaab heystaan inay iyaga ka tirsan yihiin oo aysan jirin wax shacab la dhaho.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in macawisleydii bariga Hiiraan xoreysay ay markii danbe ku milmeen siyaasado is diidanaa islamarkaana ay isbaarooyin badan dhigteen.
Jeesoow wuxuu si weyn uga hor yimid qorshaha ah in ciidamada hadala la abaabulay ay u talaabaan dhanka galbeedka oo reerkiisu dego halkaasoo sanado badan ay Alshabaab heystan, isagoo u sababyeeyay in la doonayo in isbaarooyinkii bariga yiilay loo raro dhanka galbeed.
Sidoo kale wuxuu cadeeyay inaan isaga lagu wargelin in galbeedka laga xoreeyo Alshabaab madaaama sida uu sheegay ay Madaxweynaha Somalia isku ogaayeen in wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Alshabaab lagu xoreyn doono galbeedka Hiiraan ee reerkiisu wax ka dago balse uusan aan wali lagu wargelin isaga si uu uga qeybqaato.
“macawisleyda la leeyahay galbeedka ayay u gudbayaan waad ogeyd waxay ku milmeen khilaaaadkii siyaasiga ahaa sida hirshabelle iyo hiiraan state waxayna dhigteen isbaarooyin inkastoo laga xoreeyay dhawaan” ayuu yiri xildhibaan Jeesow.
Mudanahaan ayaa ku amaanay uga mahad-celiyay Taliyaha sirdoonka Sambaloolshe dadaalkiisa uu ka wado Hiiran iyo abaabulkiisa dagaalada ka dhanka ah Alshabab.
Xildhibaanka wuxuu ka dhawaajiyay in hada ay muuqato wax uu ku sheegay dhib qaad oo dhib kale keen isagoo tusale u soo qaatay in hadii galbeedka loo raro howlgalkla ay la micno noqoneso in isbaarooyinkii bari loo rarayo dhanka Galbeedka.
Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday hadalkii Cali Jeyte ee ahaa in cid kasta oo loogu tago deegaanada Alshabaab ku sugan yihiin ay u aqoonsan yihiin Ashabaab ayuu si adag uga hor yimid.
“waxaan arkaayay Gudoomiye Cali Jeyte Cusmaan oo dhahaaya, ninkaan meesha ugu tagno waa Alshabaab,subxaanallaah, waana anoo iri cidii aan abooreey ugu tago waa alshabaab, abooreey iyo booco alshabaab xoog ayay ku qabsadeen sow maaha waana qalad in la dhaho ninkaan ugu tago Alshabaab”ayuu mar kale yiri Xildhibaan Jeesoow
“AS Hooyadey iyo Aabaheey ayaa la joogo mana ahan, hadalka Cali Jeyte waa kicin, Macawiisleeydii isbaaradu u tiilay bari in hadana la dhaho Galbeed ayaa loo soo rarayaa oo isbaarooyin kale ay dhiganayaan fikir saliim ah ma ahan”. ayuu mar kale yiri xildiaan jeesoow
Wuxuu sii daba dhigay in dadka shacabkaahu dhowr iyo toban sano inay la nool yihiin Alshabaab islamarkaana aan wali loo geyn fikir ah inay iska xoreeyaan iyagoo garab ka helaya Dowlada Somalia.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement