No photo description available.Mid ka mida Xildhibaanada Maamulka Hirshabelle oo magaciisa lagu sheegay Cali Baashi Gacal ayaa lagu arkay baraha bulshada isagoo difaacaya dagaalamayaasha Alshabaab kadib markii uu qoraal soo dhigay facebook.
May be an image of 1 person and text that says "Ali Bashe Gacal 3h Xawaadlihii lahaa Ceel-Barafaa u gurmaneynaa Saaka ayagoo firxad ah ayaa Beerayabaal laga soo raacdeestay see dareemeysaan Saakay reer Faanaaye."

Dhanka kale Maamulka Hirshabelle gaar ahaan Baarlamaanka ayaa ka hadlay talaabada uu qaaday mudanahaan.

Hadaba halkaan ka akhriso warka baarlamaanka hirshalle ka soo baxay oo sidiisa u qoran:-
Barlamaanka Hirshabelle waxuu cadeynayaa inuusan jirin kana tirsaneen Barlamaanka Hirshabelle shaqsiga baraha bulshada la soo dhigay gaar ahaan Facebook ee dhiirigeliyay Khawaarijta, Hirshabelle waxay dagaal adag kula jirtaa argagixisada mana jirto sabab Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Dowladda Hirshabelle uu qoro arrin caqabad ku ah dagaalada khawaarijta looga xoreyna deegannada Hirshabelle iyo guud ahaan Dalkeena.
Waxaan Umadda Soomaaliyeed ogeeysiineynaa ineey ka dig doonaadaan dhagarta khawariijta oon ahaayn gacan ka hadal kaliya, balse sidoo kale ay muhiim tahay in la fahmo sida ay u isticmaalaan warbaahinta iyo aaladaha kale ee bulshada.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here