MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xildhibaan Xasan Firinbi warqad laga dhigay garoonka Adan Abdulle international Airport ee Magaalada Muqdisho taasoo ciidanka lagu faray inay qabtaan hadii uu damco inuu dhoofo.
Xildhibaan Firimbi  ayaa laftigiisa la sheegaya inuu cadeeyay jiritaanka warqadaasi laga dhigay Garoonka Aden Cadde kadib markii dhawaan uu si kas ah feerka sanka uga jabshay Askari Booliis ah.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif ayaa ka hadlay arintaan  wuxuuna talaabadaani qatar ku tahay xasaanadda xildhibaanka.

Xildhibaan Sheekh Shariif wuxuu sidoo kale sheega in dowladdu masuul ka tahay dhibaata kasta oo xildhibaankaasi soo gaarta.

Xildhibaan Firinbi ayaa kaamiradu soo qabatay isagoo feer la dhacaya askari ka tirsan Booliiska ka howlgala gudaha xarunta Baarlamaanka xili uu waajibaadkiisa amni gudanayay taasoo soomaalida intooda ka badan ka xumaadeen.

Advertisement
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and suit
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here