Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee mucaaradka ku ah Dowlada uu hogaamiyo madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan Macalimuu oo qoraal al soo bandhigay bartiisa Facebook ayaa sida uga u qornaa:-
Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa laga jaraa bil kasta 100 $ . 275×100=27,500 bishii .

Maadaama ay lacagtaasi socotay muddo ka badan labo sano wadarteedu waxa ay gaareysaa lacag buuran oo shacabka Soomaaliyeed ama Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wax ka dabooli karta.

Advertisement

Guddoonka Baarlamaanka waxa la joogaa waqtigii lagula xisaabtami lahaa lacagahaa iyo kuwo kale oo Baarlamaanka loogu talagalay.

Wax kale iska daa tubooyinka suuliga ee lagu faraxasho Xarunta Gollaha Shacabka oo intoodii hore waa hore burburay xitaa dayactir laguma sameeyo.
Maqaayadaha caadiga ah ayaa leh shaqaale nadiifiya suuliga oo u taagan, inta aan Baarlamaanka joogay ma arag hal qof oo u u taagan nadaafadda Suuliga, hade waa goob ay ku shaqeeyaan ku dhawaad 400 oo ruux oo isugu jira xubno Baarlamaan iyo shaqaale. Xafiiska Hantidhowrka Guud waa sugeynaa !
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here